Maxay Tahay Sababta Jeneraal Gabre Shaqada looga Eryay?

Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre. Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Warqaddaas waxaa BBC soo gaarsiiyey xubno ka tirsan IGAD oo dalbaday in aan magacooda la soo xigan.Qoraalka shaqo ka joojinta oo isla maanta dhaqan galay ayaa looga dalbaday jeneraal Gabre inuu wareejiyo wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay ee uu hayo ka hor 02:30 duhurnimo.

Isla qoraalka ayaa looga dalbaday qaybta maamulka iyo maaliyadda ee IGAD inay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo inay shaqaale u xil saaraan sidii looga qaadi lahaa jeneraal gabre dukumentiga lagu safro ee IGAD, haddiiba hore loo siiyey.

Siiqada ay u qornayd warqadda xil-ka-qaadista ee jeneraal Gabre ayaa ahayd mid aad u adag oo aan inta badan la adeegsan marka la eryayo mas’uul sare. Inkastoo aysan caddayn sababta shaqada looga eryey jeneraal Gabre, misna dadka wax indha-indheeya waxay u tirinayaan qodobbada soo socda inay ka dambeeyaan in xilka laga qaado.

1. Jeneral Gabre wuxuu ku maqnaa markii xilka laga qaadayey dalka South Sudan oo hawlo shaqo uu u aaday, hase yeeshee isagoo shaqadaas rasmiga ah haya ayuu misna, sida ay BBC-da u xaqiijijyeen ilo kala duwan, wuxuu faraha kula jiray arrimaha Soomaaliya.

2. Xil ka qaadistiisa waxay ku soo beegantay iyadoo waddanka Itoobiya ay ka socoto dabayl siyaasadeed oo isbeddello wadata, waxaana loo badinayaa in raalli ahaanshaha Itoobiya ee ah in xilka laga qaado uusan meesha ka marnayn.

Jeneraal Gabre wuxuu dhowrkii iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo waddankiisa Itoobiyana ka ahaa mid ka mid ah saraakiisha milateriga ee saamaynta weyn leh marka la soo qaado arrimaha Soomaaliya.

Gabre wuxuu saaxiibo badan ku dhex leeyahay siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee Soomaalida.

Sannadkii hore, bishii Juun ayey ahayd markii loo magacaabay xilkan ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee IGAD, oo ah xil siyaasadeed.

Halkan ka akhriso warqaddii shaqada looga eryey jeneraal Gabre oo af Ingiriisi ku qoran

Jubbaland24,
Xafiiska Wararka

Ethiopia Ranked Among Top 10 Investment Destinations in Africa

Addis Ababa March30 /2018 Ethiopia is ranked among the top 10 most attractive investment destination in Africa in 2017, according to the latest Africa Investment Index 2018.

An independent research arm of Quantum Global (QG), reported that Morocco ranks first on the Index, followed by Egypt and Algeria in the second and third places. Botswana ranks 4th, Cote d’Ivoire 5th, South Africa 6th, Ethiopia 7th, Zambia 8th, Kenya 9th, and Senegal 10th.

The bottom 10 African countries in attracting FDI are Central African Republic, Liberia, Somalia, Eritrea, Equatorial Guinea, Gambia, Sierra Leone, Guinea, Sao Tome and Principe, and Zimbabwe. According to the Ethiopian Investment Commission, Ethiopia’s manufacturing industries and export-oriented sectors are attracting a significant number of FDIs.

The extensive infrastructural development and the all-round government’s support to investors were among the major factors contributing to better FDI flow to the country.

Ethiopian Investment Commissioner Fitsum Arega told reporters on Wednesday that despite the unrest, the country has managed to attract 2.2 billion USD in the first half of this fiscal year, up by 22 percent from that of same period last year. Accordingly, various companies with over 2 billion USD have also expressed interest to invest in the country over the coming year.

Jubbaland24,
News Desk
Source: All Africa